Noloshu wehel bay rabtaa
Qofkuu nugul bay rabtaaa
Naf ay jeceshahay rabtaayee.

Haduu kugu simo nasiibku
Nagaasho fog bay rabtaaa
Niyada qoys lagu dhisiyoo
Kalgaceyl naxariisleh iyo
Nolosho daacad bay rabtaa.

Nasteex loo wada dhanyiyo
Nusqaantoo laga jiriyooo
Nuruuuro san bay rabtaaa
Nololi dadaal bay rabtaaa
Sidaa labaddii nogotaana
Neecawdeeday helaan.

Nololi nal ifay rabtaa
Nuur aan damin bay rabtaa
Naaliyo farxad bay rabtaaye.

Halkuu nabdiggaagu rabo
U noqo daacad bay rabtaa
Nadar loo wada galiyoo
Nacaybkoo laga jiriyo
Nololi jaceyl bay rabtaa.

Exit mobile version