VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Rajo - Lyrics

caashaqii ina wada galee adigu aad ka gaabsataa kaligay i guhaadiyoo goohiyo reenkiisaaba naftayda gabyaa ka dhigay niyadan geeraartay iyo qalbigan heesaha godlada gujada xusuustaadiyo markuu xiisuhu gilgilay ayay eryada kalgacal laabtayda kasoo go'een hadana geenyooy marnaba anigoon kaa gu'i karayn hadana kaama gaabsan karo halkaana uma guurayoo adigaa geediga raraye gogolbaan kuu dhigan lahaa hadii dumar lala gartamo gurigii farxadaan dhisaaye qofkaan gooriyo ayaan caashaqan i galay u qabo hadmuu ii garaabiyoo tolow garab aan ka heli go'aan kama qaadan karee ilayn caashaqu ma gudho ma gam'o hurdadana qofkii wehelkiisu guhaadinaayee gooray noqotaba rajooy maruunbaan ku gaadhi doonaa
Queue is empty
-- / --