Heesta Safiya - Lyrics
Seeraha jarar iyo jarar iyo
Soonaha dhagaxbuur
Sidii saymo roob awaare sugaay
Gugoo sasabane cobaal la simaay
Sumada jigjigiyo suubanta nogobeey
Sumcada sharaftiyo samaan badaneey
Suurada wacan tuu ILAAH ku sadaay
saree u saree hablaha safiyaay
Qayrkaa u saree gobeey safiyaay
Sinjiga gobonimo marwada sidataay
Adaa safiyaay suldaanadahoo
Adaa saxaneey sariig badanoo
Adaa sadarada suugaanta galee
Adaa saxsaxanso sideed u carfoo
Sifaad wacan dhaqanle safiyaaye