Heesta Seynab - Lyrics
Saxansaxo udgooniyo
Saba geedo badan
Samsamiyo xareeediyo
Malab sacab ku jira
Sagal iyo daruuriyo
Xidigaha la saartoo
Sumcadiyo wanaag
Adigaa u sitoo
U sareeya dumar
Sarigiyo xishoodkiyo
Suuradaada dahabka
Ayaa saynba wacaneey
Sahwi iyo jacayl igu dhalisayo
Saxarlaay macaan
Marwo suubaneey
Sadrigiyo wadnaha
Silsilada lafdhabartiyo
Isa sudhanta feedhaha
Saablayda oo idil
Ku sifoow kalgacaloo
Caashaqu sal iyo baar
Saamee naftaydii