VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Shabadyahay - Lyrics

Shaw jacaylba kuma helin Shidadiisu kuma ridin Dabkuu shido kumaad guban Shaamareerna kuma badin Sharka caashaq leeyahay Sheekaad ku maqashee Wali shabag umaad galin Sheeda ruux ka didayoo Shaki qaaday maad noqon Shib dibnuhu kumay odhan Ilmo shagax kasoo tidhi Indhahaagu may shubin Waxaan ahay nin soo shubay Oo dumar shan soo maray Oo yaqaan shaxdoodiyo Shuqulada haween falo Waxba haysasoo shidin Been haysu sheegine Shabad yahay cagaha dhigo Shil jacayl adoon arag Oo shiishku kugu dhicin Nin hortaa shakaal galay Oo shalaw kasoo dhacay Haku xidhin shuruud guur
Queue is empty
-- / --