ha i dilin raboow ha i doorin
yaanan iilka degin lay duugin
anigoon ka deyn bixin dookhu
kuu doortayee naftu doontay

daawashada ifkee la dalxiisoo
darajada naflaha u dadaaloo
dun xariir ah iyo nasab diin leh
dabacsani iyo dulqaad ixtiraam leh

dugsigii kashiyo nacab deyraa
dawadii xiskiyoo i daryeelaa
maan deeqa iyo qalbi doojaa
daymadeeda taan duni siistay

si kastoon udayday daalay
da deedana ka waayay dunidayda
dumar lama sinee qalbi dooja
kaligeed ku daabacan maanka

dibnahoo u furin qof dushaasa
waxa uurka ku dadan ka dareenta
diktoorkeyga ruuxda daweeya
saw darteed haween uma daayin

Exit mobile version