Heesta Waano - Lyrics
waxbaa jira aan la sheegin warbaa jira aan la baahin
wadiiqada aad ku fooftoo mid waynbay kuu wadaaye
wadaa jirta aan la qaadin
wanaaga hadii la daadsho xumaan weel lagama buuxsho
wacnaantu haday cidlawdo wadeecaa kula dagaysa
wadkaaga qofkii u xiisa u sii wehel caanahaaga
jacaylku haduu wareero walaalnimadaa ka fiican
wadaayga qudhaadu doonto samaanta kolkaa ka wadaydo
naftaada adoon u waalin hankaaga dartii u wiiqin
iwaydaaraaba dhaanta
wareegtada caashaqaaga waabaayo haday dhalayso
dareen wadnahaa abaaray haduu wehelkii ka quusto
walaacbuu keenayaaye adoon qubin waanadayda