VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta waano - Lyrics

waxbaa jira aan la sheegin warbaa jira aan la baahin wadiiqada aad ku fooftay mid waynbay kuu wadaaye wadaa jirta aan laqaadin wanaaga hadii la daadsho xumaan weel lagama buuxsho wacnaantu haday cidlawdo wadeecaa kula dagaysa wadkaaga qofkii u xiisa u sii wehel caanahaaga jacaylku haduu wareero walaal nimadaa ka fiican wadayga qudhaadu doonto samaanta kolkad ka waydo naftaada adoon u waalin hankaaga dartii u wiiqin i waydaaraaba dhaanta wareegtada caashaqaaga waabayo haday dhalayso dareen wadnaha abaaray haduu wehelkii ka quusto walaacbuu keenayaaye adoon qubin waanadayda
Queue is empty
-- / --