VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Yaasmiin - Lyrics

Yaasmiineey adaa dumar duni ugu sitee Dabcigiyo asluubtana Dagan hooyadaa wacan Dariiqeeda raacoo Darajeeyay dhaqankee Adigaa da'daadana NABI YUSUF dabadi Qurux aan la dadi karin RABI kuugu deeqoo Kaa dhigay horyaal dumar Halka dookha noloshiyo Naftaan diidi karinee Dusha ciida boorame Jabuuti daafaheediyo Dalxiis yaa ku geeyoo Damaashaad iyo aroos Kuugu tuma durmaanoo Waa dadab galkaagee Yaasmiineey adaa dumar Duni ugu sitee Dagani iyo akhlaaq badan Geesigii ku dhalaybaa Kuugu soo duceeyoo Dusha kaaga shubay ubax Adigaa nin doora helay Dahabiyo xariiriyo Kuu dooray farxadaaye DAA'IM kuu xuloo Waxaad tahay horyaal
Queue is empty
-- / --