Heesta Heemaal wanaag - Lyrics
laafyaha haldhaagiyo habsamida talaabada
heemaal wanaagaa hanaankiyo quruxdaa
wadnahaygaa heeroo halbawlaha wareemoo
igu beeray halistee hadaad haa i odhan lahayd
haye aan maqli lahaa hurinbaan u diri lahaa
halyaygii ku dhalay adi
in la ii kaa hibeeyoo hoy aan wadaagnoo
hodantayda noqotaan hawsheeda gali lahaa
heensahaaga muuqiyo hubqaadkaaga bilanba
haybadiyo xishoodkiyo hankaagiyo dadnimada
hamigaygu dhaliyoo caashaqa igu huriyoo
qalbigayga habayee