Heesta raaliyo - Lyrics
jacaylbaan la rafiiqoo
igu ladhan ayaamoo
iga jaray naftaydee
raalyadaydii mee
rucub meel ku taalaan
la raacay ishaydoo
rumada i damaqdee
halkeebaan kaa raadshaa
ha u riyaaqin beenoo
ha ka roorin naftaydee
rasmi i dhagayso ha i riiqinee
rasmiga nolosha hubsoo
macaan la isma reebee
qali la isma reebee