Adigaa awood ii ah
Oo adaa i kaaliya
Indhahayga nuurkooda
Istareex adigaa ii ah

Afhayeen adaa ii ah
Oo adaa asxaan ii ah
Arimaha go,aankayga
Adigaa abukaatohoodii ah

Ooridii jacaylkaay adaa
Adaa
Unugyada jidhkay adaa
Adaa

Agaasimaha qalbigoow adaa
Adigaa aduun ii ah

Adigaa iftiin ii ah
Sharaf iyo ayaan ii ah
Abshirtii nasiibkaygaay
Abaalkaygii adigaa ah

Adigaa ilays ii ah
Oo adaa arxan ii ah
Aqligiyo garaadkayga adaa
Adigaa oon baxoodii ah

Ooridii jacaylkaay adaa
Adaa
Unugyada jidhkay adaa
Adaa

Agaasimaha qalbigoow adaa
Adigaa aduun ii ah

Exit mobile version