waxaan ahay nin dooboo
daydayaaya gabadhii
calafka uu dul sudhayee
dumar ugu haboonayd
intaan dunida joogana
adigaan ku doortee
daganay macaaney
damacaa ha moogaan
sida damal hadhwaynoo
durdur aan gudhayniyo
midabkaag dahabki ihi
dawadayda weeyaan
dookhaa ku sugayee
waabari dilaacay
quruxdaada dihanee
daganaanta lagudaray
hankay bal deeqsii

jidhkaa kuu dubaaxoo
dani seete weeyee
dareen la igu saaqay
jacaylbaan laduubnahay
dugsi lagu nagaadiyo
aqal laba daryaala ah
daganey ku baaqee
damacaa ha moogaan
cirkoo da,ay daruurtoo
cadceedii duljoogtoo
jacaylkaa qalbiga da,ay
dunideena weeyaan
dookhaa ku sugayee
waabari dilaacay
quruxdaada dihanee
daganaanta lagu daray
hankay bal deeqsii

Exit mobile version