fikirbaan daraadaa
faaqidaada caashaqa
fiidmeerta duushiyo
la faqaa dugaagee
laba kala fogaatiyo
talo faro ka haadaa
caashaqa fashiliyee
farxadii jacaylkaa
fax iyo waraaqaha
fariimaha aan soodiro
facebook kala soco

falikiga jacaylkaa
bisha wada jirkeeniyo
fooraha dabayshiyo
dhaxan kama fadhiistee
faalada kalgacalkana
ficilkoo raacshaa
inan yahay ufiicane
farxadii jacaylkay
fax iyo waraaqaha
fariimahaan aan soodiro
facebook kala soco

Exit mobile version