waa jacayl aboodiya
midkaan ila arooree
la itaal dareeyee
asaagay iga reebee
waa adi daraadaa
waxaa la ii anbinayaa
aan aduunka joogee
ha igaynin aakhiro
ha ii ahaanin nacabee
adoon iga adkaysan
ayaan la i afduubin

adiyad kuu ma gaysaniyo
waxaad igu ilowdoo
ha is odhanin inankii
wuu kuu ilduufiye
abrisaan wax dayniyo
ha isiinin abeesee
aan aduunka joogee
ha igaynin aakhiro
haa iihaanin nacabee
adoon iga adkaysan
ayaan la i afduubi

Exit mobile version