Heesta Hadaad adigu ladan tahay - Lyrics
Sida laba walaalaa
Kala daboolay waayuhu
Sida layla iyo qays
Inaan noqonno mahuraa
Adna lahasha awgaa
Ma lada oo hurdadaba
Lixda saaxad iima leh
Weey lahiimaysaa
Haddaad adigu ladantahay
Inaan liito ma ogtahay
Mise waaba lumayoo
Lurku waa igu keligeey
Sida looxa iyo diir
Inaan noqonno weey
Sida leeb kudhacay qori
Inaan noqonno lama huraa
Anna lahasho awgaa
Ma ladoo hurdadaba
Lixda saaxa iima leh
Weey lahiimaysaa
Haddaad adigu ladantahay
Inaan liito ma ogtahay
Mise waaba lumayoo
Lurku waa igu keligeey