Halkaad iga jirtaa baa
Waranka iga soo dhacay
Dhaqdhaqaaqa xoogiyo
Dhiigay iqulqulayee

Ii soo dhawoow
Aan kugu dhageey hooy
Ii soo dhawoow

Adiga igu dheeroo
Naftaa kula dhaceeso
Xidadada dhamaaniyo
Wadnaha ii dhufanayee

Ii soo dhawoow
Aan kugu dhageey hooy
Ii soo dhawoow

Dhul biyuhu ka buuxaa
Dhirta ubaxa baalaha
Shimbiruhu ku dheelaan
Dhabtii lagu mataalaa

Ii dhiib gacamaha hooy
Aan kugu dhageey hooy
Ii dhiib gacamaha hooy

Waxa dheeftii iga jaray
Dhuunigiina iga xeray
Dhibaatada jacaylka
Iga dagay halbowlaha

Ii dhiib gacamaha hooy
Aan kugu dhageey hooy
Ii dhiib gacamaha hooy

Ii soo dhawoow
Aan kugu dhageey hooy
Ii soo dhawoow

Exit mobile version