Jacaylkii miyuu ku helay
Hirtaanyo miyuu ku baday
Huq iyo ciil miyuu kudilay
Ma hawl buu kugu furfuray

Hal iyo qayladaa miyaad
Dadkoo hurda toosisaa

Hadba kii gogoshaada yaal
Miyaad hiiftaa maryaha

Habooneey miyaad luntaa
Meelahaa himbiriirsataa

Hogol aan meel dhaw ka di’n
Haraadku makuu qabtaa
Waxaad gacantaba ku hayn
Miyaad wali haybisaa

Miyaad hiigaaga beentaa
Halan hal kusii wadaa

Hadh qodaal aan ku hayn
Ma inaad hadhsataad rabtaa

Horaad u mutaysatee
Mahaduu nafsigii ku helay

Exit mobile version