raga maanta jira kii iga mutee
hadalada macaan
ugu mayracee imagaadiyee
dumarkana midaan kaga maarmayee
mawlaha ilaah uga mahadnaqee
la igu mayracshay
sida midigtiyo
bidixda u maciin
mahuraantahoo
ku mahadiyoo
midkaloo dunida
kula midahoo
kugu maanka ah
ifka may dhalane
mataankaygiiyoo
magangali naftoo
mayl ha iga tagin

mataantaydiiyey
magangali naftoo
meel ha iga tagin
mareegaha kalgacal
kii igu maree
mawjadaha jacayl
igu moosay ee
imuquuniyooy
muuqeeda wacan
taan usoo noqdee
milicsiga indhaha
ku mabsuudayee
aan miliilicay
mayey caashaqiyo
mahiigaan cishqaa
idhax maaxisoo
wadnahaad mirtoo
adigaa macnaha
muxibada kalgacal
ku macneeyayoo
ila maamulee
mataankaygiiyoow
magan gali naftoo
meel ha iga tagin
mataantaydiiyeey
magan gali naftoo
meel ha iga tagin

Exit mobile version