Sida dhibicda roobkoo
Dhagax dheer ku hoortoo
Dhirta iyo alaylkiyo
isku dharab yaaloo
Kuwada cagaar yahay

inta dhabarka xooalha
Kuwa aanu dhaqano
Badadiisa uu dhalay
Raacanaayaa ubadka
Dhukashada ku wacaneed
Qalbiga ugu dhigantahay

Allow yaa ku dhowrtoo
Dhibta kaa ilaalsho
Dhaxal yaad unoqotaa

Sida ubax dhalaaloo
Dhirta dhinacyadaydiyo
Ay midba dhinici laado
Xareedii dhaxjiiftoo
Nimco loo dhameestiray

Dhaayahii jaleecaa
Ay ku dhayadaan
Naftu ay la dhahceeso
Qof ladhaafsadaan jirin
Dhukashada ku wacaneed
Qalbiga ugu dhigantaa

Allow yaa ku dhowrto
Dhibta kaa ilaalsho
Dhaxal yaad unoqotaa

Exit mobile version