VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Tigaad - Lyrics

Sida meel tigad loo tusku uu ku hooroo Niyadu ku tarantoo Todabaad xareediyo togoganu rogmanayaan kuu soo tusmeeyee Tii kali ahaydee Togashadaa indhaha Nuurka u taraysee Qalbigaa ku tabayee Tumahii awaariyo milmil toocaheediyo Dhagaxbuur toosahiisa Tartarada bulaalo togoaguhu toos u soo baxay Ubax kaaga taagee Quurux loogu tabayiyee Ana waxaan ku taamaa Talo inaan wadaagnaa Ila tiiri caashaqa Yaynaan noqon tabtoodii Kuwii tuuray jacaylkii taarkiisii gooyee shan shan ka tuuree Kaynu waa mid toosoo Tashish aan maqlaaynoo kalatiiri ahayne Taaganoo dhaqaaqinoo Inaga tagayninee Tiir ma uqataminaa Talo ma u samynaa Ubax ma utalaalnaa Taariikh ma u xariiqnaa Tintaa ma ushaleenaa Tusmo ma usameenaa Waxba yaanan ku tumanoo Heesta ila fogaaninee Inaan tasayn baan ku soo turiyay heeestee
Queue is empty
-- / --