nabdigayga adigaa ku nagaaday waayoo
nudo la iga beeriyo waxaad tahay naftaydee
markii aan naruurooy nasiyaay ku guursaday
dumar nabad galyaan idhi iyo nooli kulantee

waan naaniyaayee niyadaydu waataa
neecaw jacayliyo nafisbaan dareemaa
waa nuur calaa nuur

marwo iyo ninkeeday ku noqdaan iblaysoo
shaydaan la naaree ha dhagaysan nacabkaa
dadka hoos kaga naba waligood naq iyo hadal
naxlibay abuuraan nabaad guursha caashaqa

Exit mobile version