Saxiibadaa iyo
Sokeeyiyo walaalaa
Ku sacabo tumaayee
Waa lagu sugaayee
Soo dhawoow malyuuneey
Saacadaadii weeyee
Ku caleemo saar

Malyuun magac habooneey
Malyuun malyuun
Haybad wanaageey
Hablo inta la hiigsado
Qeybta sare ka joogtaaye

Tii loo wada hanweynaa
Hoy wacan ka dhalatee
Ninkii helaa ninkii helaa
Ninkii helaa ku faana

Aroos hoodo loo wacan
Hoy aad u farax badan
Eebaa isiiyee
Halbalyeynay aamiin
Aamiin halbalyeynay aamiin

Iftiinkii haweenkaay
Hanaan hanaanka
Iyo sharaftana
Hooyaad ka raacdoo
Anigaa ku haystee

Habeenkiinii weeyoo
Halyaygaad jeclaydbaa
Hareertaa hareertaa
Hareertaada joogee

Aroos hoodo loo wacan
Hoy aad u farax badan
Eebaa isiiyee
Halbalyeynay aamiin
Aamiin halbalyeynay aamiin

Aamiin arooskiinaa aamiin
Aamiin arooskiinaa aamiin

Exit mobile version