Waligay intaan jiray
Wadan kale qof kaa jira
Abidkayna maan arag
Waad jeclaan ismaan odhan

Waxan anigu kumaan arag
Weedhaada maan maqal
Wax xasuus qoraysana
Wehelkayga muu yahay

Facebook warkaagii
Waayadan ka waayoo
Waa la igu weynyahee
Wacaneey sidee tahay

Waligeed aduunyada
Wuxuu weyne kuu qoray
Wax kastood samaysaba
Ileen waad la kulantaa

Naftu waxay i leedahay
Sawirkaad arkaysaa
Whakhtigaaga yuu lumin
Ana waan ka diidayee

Facebook warkaagii
Waayadan ka waayoo
Waa la igu weynyahee
Wacaneey sidee tahay

Exit mobile version