Intaad u guurtoo
Ku bogsooto aragaa
Aadiguun ku baratoo
Kuu baahan kuu baahan
Baareey

Waa balaayo jacayl
Wuxuu baarka sarana
aluunbaa bogsiyoo
Ka badbaadin karayee

Baadii doonkaa awgaa
Kuu baaqay boqol jeer
Ubax ii bidhaamaay
Adiguna ha i baal marin
Ubax ii bidhaamaay
Bidhaamaay
Adiguna ha i baal marin

Boqaradii haweenkaay
Bartii aan ku ku kulani
Baradii wacnaydbaa
Bartankeeda bartankeeda jogaa

Burco iyo hargaysiyo
Boorama la booqdoo
Baladkeenii hooyana
Kaa baafinaayee

Baadii doonkaa awgaa
Kuu baaqay boqol jeer
Ubax ii bidhaamaay
Adiguna ha i baal marin
Ubax ii bidhaamaay
Bidhaamaay
Adiguna ha i baal marin

Exit mobile version