Mudantii haweenkaay
Maaweeladii naftaydaay
Minitkii la joogaba
Naftu tay u muhataay

Waxa caalam og dumar
Marwo ay ku badan tahay
Marna kulama sima oo
Adaan kugu maqsuudaa
Kugu maqsuudaa

Waxa mawjadaydiyo
Mucda hadalka u yahay
Mar hadaan ku caashaqey
Maamuus gobaadleey
Ishu macalin weeyee
Muuqaagu igu filan

Mudantii haweenkaay
Milan iyi xariireey
Maalintaan is baranaa
Jacaylku igu maaxdee

Sidaan kuugu maqanahay
Ama kuugu mudanahay
Hadaad iigu madhatay
Meel sare weynu gaadhi
Weynu gaadhiyee

Waxa mawjadaydiyo
Mucda hadalka u yahay
Mar hadaan ku caashaqey
Maamuus gobaadleey
Ishu macalin weeyee
Muuqaagu igu filan

Exit mobile version