Qaalidii naftaydaay
naftaydaay
Qorshahaag noloshiyo
Dookhaaga qanigaa
Sida aad u qeexdoo

Ana iigu qorayoo
Mataano aaha,aa
Mataano kala qasooman
Qumaneey ahaynee
Qaaradayda soo aad

Qalbigayga wada oo
Qasnadaha dhex yaalana
Wada qaado idilkood
Qardhaas caashaq weeye

Qayrkeed ka rooneey rooneey
Rayigaaga dawinee
Qaluubtaada jiifee
Qoorteeda ma lagu ladhay

U qushuucay aniguyoo
Inaad qaayo aaha,aa
Inaad qaayo weyntahay
Qirayoo cadeeyee
Ul yar iigu soo tuur

Qalbigayga wada oo
Qasnadaha dhex yaalana
Wada qaado idilkood
Qardhaas caashaq weeye

Wada qaado idilkood
Qardhaas caashaq weeye
Wada qaado idilkood
Qardhaas caashaq weeye

Exit mobile version