VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Soomaali - Lyrics

Suuradaada wacaniyo Dhexda soohanee qoran Socodkaad dhaqaaqdaa Qalbigayga saaqmee x2 Sanqaroorkan kuguyaal Siduu eebe kuu dhigay Sumad inaan wadaagnaa San saantooda leedahee X2 Sooomaaali inaad tahay Saxar igama saarneee Soodhawow suleekhaay Adigaan ku sugaayee X2 Soodhawaynta wacaniyo Sidaad ii sifaysaan anba Siisan waayoo qalbigayga Saaqmee x2 Sumadii islaamkiyo siday Diintu tidhibaad sifahodii Leedahoo marna kuma Saluugine x2 Sooomaaali inaad tahay Saxar igama saarneee Soodhawow cabdiyow Anba waan ku sugaayee X2 Sirtii aan qarsanayiyo sidii Beerku uu rabay saatirkay Isiiyoo siidayni maayee X2 Buurta sow dusheedaa Saxan saxo maraysiyoo Seerihii dhulkeenaad Sidoodii udgoon tahoo X2 Sooomaaali inaad tahay Saxar igama saarneee Soodhawow suleekhaay Adigaan ku sugaayee X2 Sooryadaada wacaniyo Sidaad iimantaa sirtadii Isiisoo samir baan wad-- Aagnaa x2 Sidii meel abaar subax Roob uu sirbaha dhigay Ubax soobaxaayaad sifo Aragii leedaheee x2 Sooomaaali inaad tahay Saxar igama saarneee Soodhawow cabdiyow Anba waan ku sugaayee X2
Queue is empty
-- / --