Galowga & haaddii
aar gooni meeraba
gurxan lagama waayoo
ileyn wuu gariiraa

Adaa qurux gobeediyo
heybad gaar ahaaneed
Guulle uu ku siiyoo
gidigood ku dhaafee

Adaa geesiyoon biqinee
galeyr yahow adaan
dhambaal gaar ahaaneed
gaarsii warkeygoo
gacantaada uga dhiib

Gudcur dam ah habeenimo
indhahoo aan geed arag
markaan gaar is iri baa
raadkeedii gees maray

Go’an roob ku hooriyo
geedahoo caleenlaan
gucle orod ku dhaafoon
harraad geesta ula dhacay

Adaa geesiyoon biqinee
galeyr yahow adaan
dhambaal gaar ahaaneed
gaarsii warkeygoo
gacantaada uga dhiib

Tilmaan gaar ah qaadoo
yaanu kaa gadmanine
guriga ay ku nooshahay
waa kan geedka weyn leh
ha gilgilin albaabkoo
gacal baa ilaashee
xidigaha garkoodiyo
guudka uga soo dagoo

Adaa geesiyoon biqinee
galeyr yahow adaan
dhambaal gaar ahaaneed
gaarsii warkeygoo
gacantaada uga dhiib

lyrics by Jaalle Muse Jama

Exit mobile version