VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Caano iyo Nabad mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Abdikadir Jubba
Caano iyo Nabad

Dhulka oo cuskaday
Roob dalsan caydhiin
Oo ugub wali dagin
Cid iyo qolo qowlka
Cowska iyo curdankiyo
Curubta iyo geedaha
Naqa wada cusaybka
Ah cidhifka isa saareen
X2

Ubax caynba cayn ihi
Caleemaha kor uga
Mudhay balan baalis
Calama leh hadba cug–
Ta xiisaha shimbiruhu
Cod faraxliyo luuqda
Isu celinayaan x2

Calcalyada xareedunaa
Ceegaagta godamada
Rahu rahu caadadiisii
Ka dhex ciyay jidhamaha
Badi labadii fiid cowl
X2

Cosobkaa ugbaadka oo
Ku cigaalan dharaboo
Subaxdii cad ceedunaa
Ku casuumtay nuurkii
Ayaad ii cajabisaa calaf
Haysku keensimo mid
Leh caano iyo nabad
Insha'allah x2

Caradaan tilmaamoo
Cawayskii gud gude
Helay saakana cawale
Soo celiyay mayaygoo
Guulaamo culus iyo
Xini caal madoobe ihi
Cirifka isu geeyeen
X2

Oo heego culay ihi
Camal hoorimad tahay
Daruuraha is curay iyo
Meexaano curashada
Caliyaha hilaaciyoo
Onkod cabatay fiintii
X2

Cabaar ruuxa daawaday
Fadka caaradiisoo sida
Bulay cad mooyee inta
Kale caqligu sixin cayn
Ka'ay u egyihiin x2

Cabiraada noloshoo
Cindigayga saan qabay
Qurux waad is celisaan
Ku cugtaye insha'allah
Calaf haysku keensimo
Mid leh caano iyo nabad
Insha'allah x2

codkii Abdikadir Jubba