VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Eridhaban - Lyrics

Eri dhabanka geeluba Ma ilaabo ubadkee Saakay laga aruurshee olalkana ma daayee Ma ogaato reeeskay Adimada ku haysee Fintu waxay ka ooydaa roobka soo onkadayee Waxaa la yidhi abeesadu ciidan aad aragteen u ayaamo tirisaa ILaah abuurtii iin laguma sheege Waxaad aragtay ay dhacay been kuma astaysidee Olal uu ibliisa shiday Jina soo abaabulay runtu uma ekaatee Waxuu yahay asgoborkee waa midaan diidayn iyo odoy ka sheekee Ifkaa ruuxa joogee Ku nool oogadiisaa Ayaanti timaadaba maxay dhibi u ugub tahay ergagixiso doqoniyo eray lama filaaniyo muxuu eray maqlaayaa waa ujeedaadaydee amankaag la yaabiyo taydu waa af kala qaad axdigii aad dhigateen ileen dumar ma oofshaan aheey way ilaawaan markay ku arki waayaan amaantiyo kalgacalada afkay iiga sheegtee ileen uurka kama jirin nafsaa aar gudaayee aniguna ayaankeey nafsaa aargudaayee adiguna itaalkaa
Queue is empty
-- / --