Eri dhabanka geeluba
Ma ilaabo ubadkee
Saakay laga aruurshee
olalkana ma daayee
Ma ogaato reeeskay
Adimada ku haysee
Fintu waxay ka ooydaa
roobka soo onkadayee
Waxaa la yidhi abeesadu
ciidan aad aragteen
u ayaamo tirisaa
ILaah abuurtii
iin laguma sheege
Waxaad aragtay ay dhacay
been kuma astaysidee
Olal uu ibliisa shiday
Jina soo abaabulay
runtu uma ekaatee
Waxuu yahay asgoborkee
waa midaan diidayn
iyo odoy ka sheekee

Ifkaa ruuxa joogee
Ku nool oogadiisaa
Ayaanti timaadaba
maxay dhibi u ugub tahay
ergagixiso doqoniyo
eray lama filaaniyo
muxuu eray maqlaayaa
waa ujeedaadaydee
amankaag la yaabiyo
taydu waa af kala qaad

axdigii aad dhigateen
ileen dumar ma oofshaan
aheey way ilaawaan
markay ku arki waayaan
amaantiyo kalgacalada
afkay iiga sheegtee
ileen uurka kama jirin
nafsaa aar gudaayee
aniguna ayaankeey
nafsaa aargudaayee
adiguna itaalkaa

Exit mobile version