faadumo tariigeey
waxaa tahay qof taamoo
ka tilmaaman dumarkoo
nolo toosan iyo sharaf
lagu tababarsiiyoo
waalidkeed si toolmoon
beryo ugu tabcaayeen
ta u taaba qaadee
toobiyaha si qaaliya
u talaabsanaysee
rabi tawbad iyo khayr
tubsan kuugu jeexyoo
dhasha iyo tafiirtaba
kuu taaba galiyoo
ana tu aan u aayiyo
tiir bira hakaa dhigo

faadumo tariigeey
waxaa tahay qof taamoo
aqoon iyo tacliin sugan
taaj llooga dhigayoo
edab lagu tilmaansado
lagu wada tixgaliyoo
waxtarkeeda noloshiyo
tacabkeedu adan yahoo
sida taajir deeqsiya
wax u taakulaysee
rabi tawbad iyo khayr
tubsan kuugu jeexyoo
dhasha iyo tafiirtaba
kuu taaba galiyoo
ana tu aan u aayiyo
tiit bira hakaa dhigo

Exit mobile version