Faadumo tariigeey
Waxaa tahay qof taamo
Ka tilmaaman dumarkoo
2x

Nolol toosan iyo sharaf
Lagu tababarsiiyoo
Waaliidkeed si toolmoon
U koriyee kugu tabcaayee
2x

Dhab u taabo qaadoo
Toobiyaha si qaaliya
U talaabsanaysee
2x

Rabi towbad iyo khayr
Tubsan kuugu jeexiyo
Dhasha iyo tafiirtaba
Ku taaba galiyoo
Ana tu aan u aayiyo
Tirtira tiratira ha kaa dhigo
2x

Faadumo tariigeey
Waxaa tahay qof taamo
Aqoon iyo tacliin sare
2x

Taash looga dhigayoo
Edeb lagu tilmaansadoo
Lagu wada tixgaliyoo
Waxtarkeeda noloshiyo
2x

Tacabkeedu badanyahoo
Sida taajir deeqsiya
Wax u taakulayn
2x

Rabi towbad iyo khayr
Tubsan kuugu jeexiyo
Dhasha iyo tafiirtaba
Ku taaba galiyoo
Ana tu aan u aayiyo
Tirtira tiratira ha kaa dhigo
2x

Exit mobile version