dhul barwaaqa iyo doog
dhudhuwgiyo keymahaa
biyuhu way dhex jiifaan
dhebigiyoo mareerkiyo
dhirta ubaxa buuxshoo
caleen wada dhalashiyoo
midabkooda aaha dheehaleen
dhaayaha uroon yahay
ayaad iiga dhigantee
sidaan kuula dhacay gacalo
u dhadhamina jacelkoo ka
ilaali dhinacaaga ka adkoow
ka adkoow ka ilaali dhelga
dhidahiyo hablaha kacay
kuma arag dhigaagoo
waxaa tahay dhud qowlo
qurux loo dhameeyoo
rabi hiba udhiiboo
hidaheenii dhowrtoo
dhaqankii xushmeysee
caashaqaan idhaawacay
adigeygu dhaliyee

Exit mobile version