labayahaaw gayaankoood
iska soo dhex goobtee
farxad lagu galbinayaay
horta guurku waa madal
gobonimo milgo iyo sharaf
lagu kala gudomoo
marna waa darmiyo gogol
nafta raaxo galiyoo
heersare ku gaartee
gurigiina sharafta leh
galad iyo nimciyo khayr
samir iyo dulqaad guud
guule ha idin siiyee
gabdhiyo wiilalba hela
noqda kuwa gardaadsada

lamaanayaal gin iyo baar
aros loo gangaamee
gumurada higsanayaa
horta calafku waa geed
gacaliyo tol iyo xidid
gidi loo hanwaynyooo
marna waa gu,iyo dayr
madi aan gudhaynoo
gaawaha aad u culatee
gurigiina sharafta leh
galad iyo nimciyo khay r
samir iyo dulqaad guud
guule haydin siiyee
gabdho iyo wiilalba ela
noqda kuwa gardaadsada

Exit mobile version