VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Gayaan - Lyrics

Labayohow gayaankoo Iska soo dhex doortee Farxad lagu galbinayaa Horta guurku waa madal Gobonimo milgo iyo sharaf Lagu kala gudoomoo Horta guurku waa madal Gobonimo milgo iyo sharaf Lagu kala gudoomoo Marna waa dar iyo gogol Nafta raaxo galiyoo Heer sare sare sare ku gaadhee 2x Gurigiina sharafta leh Galad iyo nimciyo khayr Samir iyo dulqaad guud Guule ha idin siiyee Gabdho iyo wiilalba hela Noqda kuwa gardaadsada Noqda kuwa gardaadsada Gurigiina sharafta leh Galad iyo nimciyo khayr Samir iyo dulqaad guud Guule ha idin siiyee Wiilal iyo gabdhaba hela Noqda kuwa gardaadsada Noqda kuwa gardaadsada Lamaanayo gun iyo baar Aroos loo gangaadiyee Gumurada hiigsanayaa 2x Horta calafku waa geed Gacaliyo tol iyo xidid Gidi loo hanweynyoo Gidi loo hanweynyoo 2x Marnaa waa gu iyo dayr Madi aan gudhaynoo Gaawaha gaawaha Ku culaa tahee 2x Gurigiina sharafta leh Galad iyo nimciyo khayr Samir iyo dulqaad guud Guule ha idin siiyee Gabdho iyo wiilalba hela Noqda kuwa gardaadsada Noqda kuwa gardaadsada 2x
Queue is empty
-- / --