cirkoo gaaxday roobkiyo
saymihii ku raarnaa
rabi nooga shubayoo
rabtii ay warshiikh ahayd
ku rusheeyay reedaha
oo wali rogaal celin
kolba si u ruqaansiga
raynkiyo gufaacada
ka ridaaya dhinacyada
sida loogu reeyaan
haboon kuu riyaaqayo
naftaad raaligalisee
intaad duljoogo raas aduun
haboon ma rabo ruux kale
faceed ka rooneey soo ruclee
adaa rasmigii ruuxay ahee

dhulka rays qaboobiyo
reexaan udgoonliyo
dhirtu rucub magooliyo
ramaskio dogii
rasmii ugu soo baxay
oo ramadka geeliyo
riyihii iyo lo,doo dhalay
rugtii wabiga jawhar
reedaha ay daaqaan
sida loogu reeyaan
haboon kuu riyaaqayoo
adaa ii rafiiqee
intaan dul joogo raas aduun
haboon ma rabo ruux kale
faceed ka rooneey soo ruclee
adaa rasmigii ruuxay ahee

Exit mobile version