waa sheekoo hodane
aan ka jaro higaagee
halow halow halow
nafbaa ku haybinaysoo
kuu hamuum qabtee
sida heego rooboo
hilimadeeda xariniyo
intuu nugaal helay
haradii biyeeyoo
mudo badan ku hooray
dhirtu ka haqabeeshay
ubxaxii ka lagacayidhi
loo wada hanweyn yahay
markaan helo warkaga
naftu heyi kacdaayoon
farxad ku hambalyeeyaa
hoodiyo ayaan iyo
calaf hasku keen simo
ragu kala haboone
halyeeyada wakhtiga
kacay kii ugu horeeyee
naftu ku hiiraneysee
sida hanad aan dhalaybaa
himiladaada wacan iyo
horumarkaaga jacelahay
oo aan hurgumadiyo
halista kaaga dhowraa
hal qudhaan nahayoo
kaama hadhi karaayee
hoodiyo ayaan iyo
caaf ha ku ken simo

Exit mobile version