Heesta Halis - Lyrics
Waa ihalay Jacayloow
Hami igu badnaadiyo
Waan hubaa galgacaloow
Way ihayaa Dhibtiisee
Sida haadka Laylkii
Heehaabaa mooyee
Hool yari ma seexdoo
habeenkoo bar tagay baa
la'ikaa horkeenaa
Waa howl aduunyee
Ma ihiilineeaa
Qofba waa halkiisee
Ma ii hagarbaxee
Waa halis naftadiyee
Alla Hadma hadma
Goormaan ku helayaa
Hilaac iyo Daruuriyo
Hoobaanta laacdee
Ishu calacsanaaysaay
Hibashadii naftaydaay
Ma huraan halbowliyo
Wadnahay halwanayee
Sida geed hileelaa
Hugunka iga baxayaa
Waa hirashadaadee
Waa howl aduunyee
Ma ihiilineeaa
Qofba waa halkiisee
Ma ii hagarbaxee
Waa halis naftadiyee
Alla Hadma hadma
Goormaan ku helayaa