Shibiqdii hallaayadiyo
Meeygaagka shubaniyo
Astanlaha shabkeediyo
Shiikh maddar dushiisiyo
Sheedihiyo laafiyo
Shakhmar baalle ifilo

Shacabkii hargaysoo
Shan habeen cirkii
Sharkii miray

Dhirta shaqal madoowiyo
Shaadir lagu hagoogoo
Digrigii shareeree
Shamaxshamaxduu dharaartii galoolba sheeganayoo
Shacab badaneey u bixiyeey
Shintiisii dhammaadoo

Balanbaalis sharaxliyo
Shinni malab samaysiyo
Dhurdihii ku shirayaan

Marka shaaca waaberi
Cirku shagagaxleeyee
Daadku shalalaxleeyahaa

Shinbiraha cigoodiyo
Bahal sheekadiisii
Shaamareer ku dilayaa
Yaad sharaftooda leedahay
Hargeysaaaay

Shidiin diin socotiyo
Koori u sharaxantahoo
Shalmada xareediyo
Shaah lagu hantiyayo
Shagla keenay madagoo

Shirxobaadu joogtoo
Shaanbinaysa socodkoo
Shidigna leedahay
Sharafkoooda leedahay
Hargaysaaay

Exit mobile version