Nin haraad qaba’oo
Hogal roob arkayoo
Hangadaan ahee

Haa.. Haa..

Hoobaantaa lulataa
Soo haabanayee
Hanqalkaan la kacee

Haa.. Haa..

Waa la i heloo
Waaba la i hayaa
Sida halo kareebaan
Kaliday hugmaayaa

””””””””’

Nin halbowluhu
Dhiigga habayaan ahayoo
Wadnuhu hawda hayee

Haa.. Haa..

Hayin gaabinayaan
Hawd caleenliyo doog
hayaankii ku raree

Mmm.. Mmm..

Waa la i heloo
Waana la i hayaa
Sida halo kareebaan
Kaliday hugmaayaa

……………..

Waan ku haybinayoo
Hurda kaama ladoo
Huqdaada i dishee

Haa.. Haa..

Hoobaantaa lulataa
Soo haabanayee
Hanqalkaan la kacee

Ooo.. Ooo..

Waa la i heloo
Waana la i hayaa
Sida halo kareebaan
Kaliday hugmaayaa.

W/Q Maxamed Koorre

Exit mobile version