VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ifka nolashu waa adiga - Lyrics

Ubaxayahoo bidhaamee
Oogada ka nuuraa
Eegmada jaleecada
Indhahay naxriis 
Adigaa ku beeree

Onkad gala hilaaciyo
Roob arooryo da'ayaay
Agaarka beerka iyo
Wadna ilaa hirkiisa
Rabi kugu abuuree

Waad ii ahaatoo
iimaanka deeqdee
Nafta ku ogalaatee
Ifka nolashu waa adi

Amaaley waxaa tahaye
Afar iyo tobaandiyo
Ilays soo baxaayoo
Waa beri iftiimo
Aragtidaa la daawado

Ama qurux udhalataa
Allahii ku oomaaa 
Caqli kugu maneesto
Waayo arag ku jacelow
Kuu oman baa ahoow

Ma'ilaawahee ku ilaashanaayee
Ku furan irmaantiyo 
Soo dhawaaw ha iiloon 
Ii imaaw aragee

Waad ii ahaatoo
iimaanka deeqdee
Nafta ku ogalaatee
Ifka nolashu waa adi

Queue is empty
-- / --