VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Kordhiya - Lyrics

Helee hele hele hele hele hele Intay noloshu kali tahay Hee helele heliyalow Kaftan iyo cilaaq tahay Hee helele heliyalow Kalgacaylka aadmigu Kolay kama salgaahe 2x Sida kaaha nuurka leh Tii kashayda deeqdee Kolkii aan jaleecaba Kortoonida isiisaay Sida sida sida Kaaha nuurka leh Tii kashayda deeqdee Kolkii aan jaleecaba Kortoonida isiisaay Kurbiyaay kalgacal waa i haya Naftaan kugu kabaayaa Kordahab adna igu kalsoonoow Helele heliyalow 2x Helee hele hele hele hele hele Duco aan la kobayn Hee helele heliyalow Tii ay ku kulantee Hee helele heliyalow Kobta hoyga gurigiyo Ku filnaatay baradaa 2x Marwadaasi kaamila eey Ugu kaamil qaade Doqoniimiyo kibir Rabi tuu ka leexshaay 2x Kurbiyaay kalgacal waa i haya Naftaan kugu kabaayaa Kordahab adna igu kalsoonoow Helele heliyalow 2x Helee hele hele hele hele hele Kaafiyo haldhaayeey Hee helele heliyalow Koolkooli badaneey Hee helele heliyalow Mudantii kadeedkiyo Ka madhnayd xumaanta 2x Miyirkiyo karaamadu Tay ku kaydsanaydee Igu kaabtay noloshee Ubad iigu korisaay 2x Kurbiyaay kalgacal waa i haya Naftaan kugu kabaayaa Kordahab adna igu kalsoonoow Helele heliyalow 2x
Queue is empty
-- / --