markii llaygu sahan tagay
hablaha kuwa ugu ladan
jacayl lama dhibaadshee
taan lahashadeedii
uga leexday dumaroo
waayihii lagdamayee
laga soo dabaashiyo
laba aaburkii dhacay
tii u liici waydaye
lirka igala doogtaay
sida sida ubaxa laaca
dhirta loogu kaabaa
adna quruxda luulaay
rabi kuugu lifaaqay
laaskii xareediyo
tay laabtu raacdee
la wadaagay noloshee
liibaanta guushiyo
libta ii horseedee
rabi igu labeeyaay
ha luufluufin waligaa

gacaltooyo loobagay
shakhsi lahaydee
loofar maaha duniduye
aan nafteeda luminee
lagu lexa jaclaystaay
in kastoo war laaqiya
lagu laba digleystee
la is lahaa ku kala dila
tii lagala quustee
cadaw loodin waaya
marka aad lulootoo
shashu kugu dul looshaa
farxad laasimaayoo
lubigayga saaqdaa
laaskii xareediyo
tay laabtu raacdee
la wadaagay noloshee
liibaanta guushiyo
libta ii hhorseediyo
rabi igu labeeyaay
ha luuf luufin waligaa

Exit mobile version