taariiqdu waa mudan
waa jira marqaati leh
marbay ahayd aduunyadu
mugdi lagu halaaboo
mahadhooyin badanoo
dadku ayda magansado
ka tashada miroodkii
qarni waliba si u maaha
casri waliba maaree
hadba meeris laga gunud
dunidii malaasnayd
maskax lagu furfuroo
muruq inuu u sahan tago
waxa bara mushkiladaha
masiiba aduunyadu
iyada u macalina

taariiqdu waa mudan
waa madhaxa aadmiga
marbay ahayd aduunyada
dadku sida muwaashida
isagoon maryo aqoon
mudo uu ahaan jiray
muuqaalkii noloeed
hadba mawjad loo gudub
hadba mala la suuree
la dhadhami macaankiiye
dunidii malaasnayd
maskax lagu furfuro
iyo muruq inuu u sahan tago
waxa bara mushkiladaha
masiibadu aduunyda
iyadaa u macalina

Exit mobile version