Heesta Nasiib - Lyrics
Anigu wali sidii baan
soo dhawoow ku leeyahay,
anigu wali sidii baan
ubax kuugu salaamaa
Anigu wali sidii baan
samo kuugu taliyaa
Haduu sego kheyrkeey
ku siiyey calafkii
waxba maad sameynee
nasiibkaa sidaa dhala
nasiibkaa sidaa dhala
Anigu wali sidii baa
qalbigu saafi kuu yahay,
anigu wali sidii baan
hurdada uuga selelaa
Anigu wali sidii baan
sacabka kuugu tumayaa
Haduu seeygii kheyrkeey
ku siiyey calafkii
waxba maad sameynee
nasiibkaa sidaa dhala
nasiibkaa sidaa dhala