intay noloshu kali tahay
kaftan iyo ciyaar tahay
kalgacaylku aadmiguu
kolay kama sal gaadhee
sida kaaha nuurka leh
kashayda deeqdee
kolkii aan jaleecaba
kalsoonida i siisaay
kordhiyaay
kalgacal way i hayaa
nafta kugu kabaaye
kor dahab adna igu kalsoonoow
helele heliyaaloo

kaafiya haldhaayeey
koolkoolin badaneey
mudantii kadeedkiyo
ka madhnayd xumaantaay
marwadaan si kaamila
ugu kaalin qaadee
doqoniimo iyo kibir
rabi uu ka leexshaay
kordhiyaay kalgacal waa i hayaa
naftaan kugu kabaayaa
kor dahab adna igu kalsoonoow

duco aan la koobiayn
tii ay ku kulantee
kobta hoyga gurigiyo
ku filnaatay baradaay
miirkiyo karaamadu
tay ku kaydasanayde
igu kaabtay noloshee
ubad iigu korisaay
kordhiyaay kalgacal waa i hayaa
naftaan kugu kabaayaa
kor dahab adna igu kalsoonoow
helelel heliyaaloo

Exit mobile version