VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Shafeeco - Lyrics

Shanta goor ilaahay
salaaduu na sheed marin
wuxuu noogu shaaciyey
sharuud weeye qaaliya
shiikhuba waxuu ubad
shaqalada quraankiyo
shaafici u farayaa
in shaafeeca aakhiro
shido li’i la siiyaa
anna waxaan shamisey
sheekeysigeeniyo
sheeko qaali uga dhigay
sharaftida dhexdeeniyo
cishqigoo shubaaliya
shilna aan ka dhawrnaa

Sharaf galinta aadmiga
baryo shaba shabenytii
rabi wuxuu u sheegtaa
inuu kheyr shaafiyo
shiniduba waxay malab
ubax ugu shubtaayoo
iyadoo shuraaka ah
shilin ugu abuurtaa
waxa shiray sokeeye badan
anna waxaan shamisey
sheekeysigeeniyo
sheeko qaali uga dhigay
sharaftida dhexdeeniyo
cishqigoo shubaaliya
shilna aan ka dhawrnaa

Queue is empty
-- / --