Sagal hooray oo da,ay
dhibcahiisi soo simay
saxansaxa udgoon badan
sadriga iyo laabtaa
sida tahay i deeqdee
su,aalaha ku weydii
sax miya jawaabtani ?
sikastaba ayaamuhu
ha is daba socdeen
waan salgaarnay caashaqa

sadax sano iyo dheeraad
caashaqii saanyaday
sanbabada jirkeygiyo
saameeyay feeraha
hadii aadan saacidin
sucaadey walaaley
naftu wey iga socon laheed
sikastaba ayaamuhu
ha is daba socdeen
waan salgaarnay caashaqa

Exit mobile version